Skip to main content
Get Care MyChart Find a Provider Find a Location

Waxaad xaq u leedahay in aad fahamtid dhibatooyinka aad kala kullantid caafimaadka, qorshaha caafimaadka iyo daryeelka, marka aad soo booqatid takhtarka. Waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo turjubaan la tababaray oo ku kaalmeeyo haddii aad u baahatid mid.

  • Waxaad heli kartaa adeegyada turjumada oo ku baxa dhamaan luqadaha, maalin iyo habeen
  • Turjubaanada waxay xafidi doonaan macluumaadkaada shakhsiga
  • Weydiiso in laguu keeno qof turjubaan ah, turjubaan in uu kaala soo xariiro telefoonka ama iPad, marka aad u timaadid takhtarta, kalkaalinta ama shaqaale kale

Naga soo wac telefoonka (608) 782-7300 ama telefoonka (800) 362-9567 haddii aad u baahan tahay turjubaan. Waxaan kuu keeni doonaa turjubaan marka aad na soo wacdid iyo marka aad timaadid ballanka.

Arjiyada loo gudbiyo Siistemka Caafimaadka Gundersen (Gundersen Health System)

Dhamaan dadka soo dalbada, waxaan siinaa fursadda sinaanta shaqaaleynta. Waxaan telefoonka kaa siin karnaa adeegyada turjubaanka oo lacag la'aan ah marka aad na soo wacdid ama marka aad qof ahaan timaadid si aad u ogaatid shaqooyinka la heli karo. Waxaa suurtogal ah in aad u baahatid in lagaa kaalmeeyo buuxinta foomamka ama waxaa dhici karto in aad qabtid su'aalo ku saabsan sida aan u qorano shaqaalaha.

  • Tag Recruitment Services, 232 3rd St. N. #600, La Crosse, WI 54601
  • Wac (608) 775-4743 fursadda 0 ama (800) 362-9567
  • Waxaad la xariiri doontaa turjubaan
  • Adiga iyo turjubaanka waxaad la xariiri doontaan xafiiska Adeegyada Shaqaleynta (Recruitment Services)

Noo sheeg maxay kula tahay

Waxaan rabnaa in aan bukaankena siino adeegga iyo daryeelka ugu fiican. La hadal qofka ku daryeela haddii:

  • Aad qabtid su'aal ama haddii ay jirto arrin
  • Aad rabtid in aad u mahad celisid qof maxaa yeelay waxaa lagu siiyay daryeel
  • Aan lagu siinin daryeelka ama adeegga aad filaneysay

Waxaad kaloo soo wici kartaa (608) 782-7300 ama (800) 362-9567. Waxaa lagu siin doonaa turjubaan marka lagu soo waco. Wakiilka bukaanka wuxuu dhageysan doonaa waxa aad dooneysid in aad sheegtid. Waxaad noo soo diri kartaa email haddii aad doontid.

Haddii aad na soo wacdid ama haddii aad noo soo dirtid email, waxaan u baahanahay in aan ogaano:

  • Taariikhda aad na soo booqatay
  • Kliinikada iyo waaxda aad soo booqatay
  • Faalada aad ka bixisay booqashada
  • Magacaada, cinwaankaada, iyo nambarka telefoonkaada haddii aad dooneysid in qof kula soo xariiro.
  • Haddii aad noo soo dirtid email ku qoran luqad kale, waa naloo turjumi doonaa faaladaada. Jawaabta aan ku siin doono waxay naga qaadan doontaa waqti dheeraad ah. Wac nambarka ku qoran liiska kore haddii aad u baahan tahay in dhakhso lagu siiyo jawaab.

1900 South Ave.
La Crosse, WI 54601

(608) 782-7300

Language Support:
Jump back to top